Jump to content

Portal:Latin Ameerika

Ka Wikipedia

Latin Ameerika (Af Ingiriis : Latin America) waa magaca qaarada Ameerikada Koonfureed kaasi oo uu bixiyay boqor la odhan jirey Maximilian I kaasi oo ka talin jirey agagaarka wadanka maanta loo yaqaano Meksiko. Qaarada Latin Amerika waxay juquraafi ahaan dhacdaa badhtamaha khadka dhulbadhaha iyo koonfurta dhulbadhaha. Intaas waxaa dheer, dadka ku dhaqan qaaradani waxay ku hadlaan Af-Isbaanish iyo Af-Burtaqiis.

Muuqaal xul ah

Juscelino Kubitschek bridge in Brasilia
Juscelino Kubitschek bridge in Brasilia
Credit: Eric Gaba

Buundada Juscelino Kubitschek bridge (Af Bortuqiis : Ponte Juscelino Kubitschek), ee ku taala caasimada Brasiliya, wadanka Barasiil.

Maqaal xul ah

Calanka Wadanka Barasiil
Dalka Barasiil oo loogu dhawaaqo Federal Republic of Brazil waa dal ka soo jeeda bortaqiis, waa dalka shanaad ee ugu balaadhan aduunka ,koofurta amerika iyo dhammaan qaarada laatiin Amerikaba. Dalka brazil waxaa dhinaca bari ka marta badda ATLANTIC OCEAN, oo leh xeeb dhererkeedu tahay 7,491km. Wuxuuna xuduud kala leeyahay dhinaca waqooyi dalka Venezuela,Guyana, suriname iyo french guiana. Dhinaca waqooyi galbeedna waxaa dalka brazil xuduud uu kala leeyahay daka COLONBIA. Galbeedna waxaa kaga beegan BOLIVIA iyo PERU. Sidoo kale dhinaca koofur barina waxuu xuduud kala wadaagaa dalalka ARGENTINA, iyo PARAGUAY, halka waqooyi uu ka xiga dalka URUGUAY. Waxaa la odhan karaa dalka brazil dhammaan xuduud ayuu la leeyahay wadamada waqooyiga marka laga tago ECUADOR iyo CHILE. Tirada dadka reer Brazil waa 190 milyan 83.7 waa dad degan magaalo. 2008 heerka wax aqris iyo qoris la’aanta waxey aheyd 11.48% waxeyna u badnaayeen dhalinyaro dadoodu u dhaxeysay ( 15-19 ). Dhaqaalaha wadanka Brazil waa wadanka todobaad waxaana door libaax leh ka ciyaaray in dhaqaalaha uu kobco ( Brazil’s national development bank (BNDES) ) ,xagga wax iibsiga waa wadanka todobaad Marka laga hadlayo wax soo soorka KAFEEGA waa wadanka ugu weyn ee soo saara Kafeega 150kii sano ee u danbeeyay. Waxey kaloo kordhiyeen joogitaanka suuqyada maaliyadeed iyo badeecooyin waxeyna nasiib u heleen in ay Brazil ay noqoto suuqa afaraad ee ugu weyn baabuurta caalamka.

Sawir xul ah

Huayna Picchu
Huayna Picchu
Xuquuqda sawirka: Martin St-Amant

Machu Picchu waa goob lagu cibaadaysan jirey qarnigii 15aad iyo wixii ka horeeyay, markii dambena noqotey qubuur, taasi oo dhacda cidhifka buur dhererkeegu le'eg yahay 2,430 metres (7,970 ft) biyaha bada dushooda. Buurtani waxay ku taalaa wadanka Peru.

Maqaalada Latin Ameerika

Mashaariic Bahwadaag

Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia ee qodobkaan raacsan:

Wikibooks
Buugaag

Commons
Sawirro

Wikinews 
Warar

Wikiquote 
Oraahaha

Wikisource 
Qoraal

Wikiversity
Xogaha waxbarashada

Wikivoyage 
Hagaha safarrada

Wiktionary 
Qaamuus

Wikidata 
Liiska caddeymaha

Wikispecies 
Abla-ablayn

Hooyga muhiimka ah:
Qaaradaha:

Aasiya | Afrika | Antarktika | Ooshiyaaniya | Latin Ameerika | Woqooyiga Ameerika | Yurub |

Portal Bahwadaag la ah:

Carabta | Hiddaha iyo Dhaqanka | Af-Soomaali | Siyaasadda |

Sidoo kale:

Soomaaliya

Bulsho ] Hooyga ]